MENY
Eskilstuna kommun

Af-Soomaali

Warbixin ku socota dadka deggan Årby

Guryabooqasho

Waa lagu salaamay

Bilaha soo socda waxay shaqaalaha hay’adda gurmadku booqanayaan dhammaan guryaha la deggan yahay ee Årby. Waxaan jecelnahay inaan dadka waaweyn oo deegaankaas deggan kala hadalno iska badbaadinta dabka. Booqashadaasi waxay qaadan doontaa 3-5 daqiiqo, waxaanna uga dan leenahay inaan kordhinno aqoontiinna ammaanka dabka.

Waxaan idiinku iman doonnaa laba qof annagoo mar walba idin tuseynna kaar aqoonsi. Sawirka hoos ku yaal waxaad arkeysaa lebbiska aan qabno markaan idiin imaneynno. Marnaba wax ma iibineynno, u mana baahnin inaan guriga gudaha u soo galno.

Intaan booqahada idin kula joogno waxaan warbixin idinka siineynnaa sidaad isaga badbaadin lahaydeen dab. Waxaan idin siineynnaa warbixin afka ah iyo mid qoraal ah labadaba. Warbixinta qoraalka ahi waxay ku daabacan tahay luuqado badan oo kala duwan. Waxaan kaloo jecelnahay inaan ogaanno haddii qalabka digniinta dabku saqafka ku dhegsan yahay iyo haddaad tijaabin kartaan.

Is-arag xiiso leh!

Hay’adda gurmadka Eskilstuna

 

Hjälpte informationen på den här sidan dig?

Tack för ditt svar!

Du har nu hjälpt oss att förbättra eskilstuna.se.

Kontakt

Räddningstjänsten
Öppettider

Måndag-fredag 8.00-16.00

Kontakt

016-710 74 00
Skicka e-post
016-14 50 45